Diintiyo asluubtiyo
nolol diiranaantiyo
darajaa Leh Hoygii
doombiro Lagu Manaystaay

Dar wanaagsanaantiyo
Cideed/Hawadeda Dahabka Ah
tii Loogu Deeqaay

Daala iyo Ubaxeedaa
wabiyada Saraar
burco Daawo Dacalada

Hargeysa iyo Damasheeda
arabsiyo Dusheediyo
xamar Daawo Dacalada
xamar Daawo Dacalada

alla Daraha Dhaqankeena
dambarsame Calankeena
dugsaa Laga Bartaa

Deeq Ilaahey baa Leh
dadnimana Soomali Baa Leh
dalkeeniina Weeyaan
ku Dalxiis Macaanaa
Duunyo dhaqasho Wacanaa

Doogiyo Ubaxaa
rabi Ku Deyroo
dabeeshiyo Boodhkaa
daah Looga Dhigayoo
Deyr Kastoo Darnaatana
duni Lagu Abaarsado
daaq Lagama Waayee

Dayaxa iyo Baydhabo
Doolo Baladweyn
Marko Daawo Dacalada

Wabiyada Durdurayee
ku Dur Duraya
ku Dur Durayaa Beeraha
baardheere Daawo Dacalada

Daalo Iyo Ubaxeedaa
dulinada Saraar
mudug Daawo Dacalada
galguduud Daawo Dacalada

alla Daniyo Xeesheena
daacadiyo Islaamkeena
dugsaa Laga Bartaa

Seeq Ilaahey Baa Leh
dadnimana Soomali Baa Leh
dalkeeniina Weeyaan
ku Dalxiis Macaanaa
duunyo Dhaqasho Wacanaa

Exit mobile version