Labayohow gayaankoo
Iska soo dhex doortee
Farxad lagu galbinayaa
Horta guurku waa madal
Gobonimo milgo iyo sharaf
Lagu kala gudoomoo
Horta guurku waa madal
Gobonimo milgo iyo sharaf
Lagu kala gudoomoo

Marna waa dar iyo gogol
Nafta raaxo galiyoo
Heer sare sare sare ku gaadhee
2x

Gurigiina sharafta leh
Galad iyo nimciyo khayr
Samir iyo dulqaad guud
Guule ha idin siiyee
Gabdho iyo wiilalba hela
Noqda kuwa gardaadsada
Noqda kuwa gardaadsada

Gurigiina sharafta leh
Galad iyo nimciyo khayr
Samir iyo dulqaad guud
Guule ha idin siiyee
Wiilal iyo gabdhaba hela
Noqda kuwa gardaadsada
Noqda kuwa gardaadsada

Lamaanayo gun iyo baar
Aroos loo gangaadiyee
Gumurada hiigsanayaa
2x

Horta calafku waa geed
Gacaliyo tol iyo xidid
Gidi loo hanweynyoo
Gidi loo hanweynyoo
2x

Marnaa waa gu iyo dayr
Madi aan gudhaynoo
Gaawaha gaawaha
Ku culaa tahee
2x

Gurigiina sharafta leh
Galad iyo nimciyo khayr
Samir iyo dulqaad guud
Guule ha idin siiyee
Gabdho iyo wiilalba hela
Noqda kuwa gardaadsada
Noqda kuwa gardaadsada
2x

Exit mobile version