VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Kordhiya mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Kordhiya

Helee hele hele hele hele hele

Intay noloshu kali tahay
Hee helele heliyalow
Kaftan iyo cilaaq tahay
Hee helele heliyalow
Kalgacaylka aadmigu
Kolay kama salgaahe
2x

Sida kaaha nuurka leh
Tii kashayda deeqdee
Kolkii aan jaleecaba
Kortoonida isiisaay
Sida sida sida
Kaaha nuurka leh
Tii kashayda deeqdee
Kolkii aan jaleecaba
Kortoonida isiisaay

Kurbiyaay kalgacal waa i haya
Naftaan kugu kabaayaa
Kordahab adna igu kalsoonoow
Helele heliyalow
2x

Helee hele hele hele hele hele

Duco aan la kobayn
Hee helele heliyalow
Tii ay ku kulantee
Hee helele heliyalow
Kobta hoyga gurigiyo
Ku filnaatay baradaa
2x

Marwadaasi kaamila eey
Ugu kaamil qaade
Doqoniimiyo kibir
Rabi tuu ka leexshaay
2x

Kurbiyaay kalgacal waa i haya
Naftaan kugu kabaayaa
Kordahab adna igu kalsoonoow
Helele heliyalow
2x

Helee hele hele hele hele hele

Kaafiyo haldhaayeey
Hee helele heliyalow
Koolkooli badaneey
Hee helele heliyalow
Mudantii kadeedkiyo
Ka madhnayd xumaanta
2x

Miyirkiyo karaamadu
Tay ku kaydsanaydee
Igu kaabtay noloshee
Ubad iigu korisaay
2x

Kurbiyaay kalgacal waa i haya
Naftaan kugu kabaayaa
Kordahab adna igu kalsoonoow
Helele heliyalow
2x

codkii Abdikadir Jubba