VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Laba heeryadii cune - Lyrics

hablahayahaw hamiga guur waa hawlo badan yahay waan lama huraan adag raga iyo haweenkuba hirashada u leeyihiin hanaqaad ku gaadheen kol horiyo hadeertana qaabiilba haabiil hido soo jireen hadalba ka tagnaa hadana laguma kala hadhin aan hoos u daadago haasawihii bari hanbalyadu ku dheehnayd hilowgii kalgacal hurdadiiba naga guur waan idiin hanwaynahay heshiisna waan u soconaaye xaal hagar la'aaneed hooya naga gudoonsada caashaqu halkiisii ha inoo ahaadee hawraarsan u dhaha hanadaw hal iyo nirig yaa geel kaga hadhay danba hawdka loo galay inta hamashka geedaha hugunkiyo hareerigu halaloodis badanyahay habar iyo habeenkeed waabay kala habaabeen hudhudbaa i tidhi doon hinbiriirsay muu arag sahanbaa fado diray aan hadalka kala qaado markii ay haboonayd heshiiskaad xumayseen iyo halkaad ku tuurteen in la helo ha filanina hadi hayal samaan bari haween lagu ogaan jiray godobtiinii may hadhin laba heeryadii cune hidihiibaad nagu diideen hana sugina waligiin ma hubsade hanfade noqoy raga midaan hal iska eegayn isna habari may dhalin laba biyaha hoostood iska soo haraatiyay higar waa u dhexeeyaa waase laga heshiiyaa hilbo qaybsi muu dhiman halis xaalku muu noqon hadhuub daatay caanaha hanbadaa la qaban jiray aan maqasha soo horo hibashada ka kaalaya haatan iyo dan weeyaan hantibaanu leenahay heegadaanu idin gayn sida toban haldhaaya idinkaa hormuud noqon caashaqu halkiisii ha inoo ahaadee hawraarsan ku dhaha taad hada jirtaaneey hadaad xoolo haysaan hablaha ka tibixdeen hoor kuguma qaybsheen hadaad haa sugayseeneey waa habeenkii xalay tagayee laba heeryadii cune hidihiibaad nagu diideen ha nasugina waligiin
Queue is empty
-- / --