VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Laba heeryadii cune mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Abdikadir Jubba
Laba heeryadii cune

hablahayahaw hamiga guur
waa hawlo badan yahay
waan lama huraan adag
raga iyo haweenkuba
hirashada u leeyihiin
hanaqaad ku gaadheen

kol horiyo hadeertana
qaabiilba haabiil
hido soo jireen
hadalba ka tagnaa
hadana laguma kala hadhin

aan hoos u daadago
haasawihii bari
hanbalyadu ku dheehnayd
hilowgii kalgacal
hurdadiiba naga guur
waan idiin hanwaynahay
heshiisna waan u soconaaye
xaal hagar la'aaneed
hooya naga gudoonsada
caashaqu halkiisii ha inoo ahaadee
hawraarsan u dhaha

hanadaw hal iyo nirig
yaa geel kaga hadhay
danba hawdka loo galay
inta hamashka geedaha
hugunkiyo hareerigu
halaloodis badanyahay
habar iyo habeenkeed
waabay kala habaabeen
hudhudbaa i tidhi doon
hinbiriirsay muu arag
sahanbaa fado diray
aan hadalka kala qaado
markii ay haboonayd
heshiiskaad xumayseen
iyo halkaad ku tuurteen
in la helo ha filanina
hadi hayal samaan bari
haween lagu ogaan jiray
godobtiinii may hadhin
laba heeryadii cune
hidihiibaad nagu diideen
hana sugina waligiin

ma hubsade hanfade noqoy
raga midaan hal iska eegayn
isna habari may dhalin
laba biyaha hoostood
iska soo haraatiyay
higar waa u dhexeeyaa
waase laga heshiiyaa
hilbo qaybsi muu dhiman
halis xaalku muu noqon
hadhuub daatay caanaha
hanbadaa la qaban jiray
aan maqasha soo horo
hibashada ka kaalaya
haatan iyo dan weeyaan
hantibaanu leenahay
heegadaanu idin gayn
sida toban haldhaaya
idinkaa hormuud noqon
caashaqu halkiisii
ha inoo ahaadee
hawraarsan ku dhaha

taad hada jirtaaneey
hadaad xoolo haysaan
hablaha ka tibixdeen
hoor kuguma qaybsheen
hadaad haa sugayseeneey
waa habeenkii xalay tagayee
laba heeryadii cune
hidihiibaad nagu diideen
ha nasugina waligiin

codkii Abdikadir Jubba, Hassan A Samatar