Markaa kugu soo baxee
Bilicda quruxdaada iyo
Bidhaantaada arkaba
2x

Bisinka alifkaan qabtaa
Ilaahay waxaan baryaa
Badbaadiyo caafimaad
Bishaariyo nabad galyaba
Inaad ku bariisataa
2x

Boholyowgaa aan qabo
Jacayl igu beeraana
Caahsaqu igu baahsanaa
Xusuusina igu badnaa
2x

Bukaaniyo baan wadaa
Bixiya lafaha la isku kabo
Bogiyo wadnaha isku yaal
Bidixiyo bidixiyo midigbaynu nahee
2x

Markaa bari iyo galbeed
Badarka baadiyaha iyo
Badhtoon maray galan habeen
2x

Badiba kulamaan siminee
Alalylkiibaan kacaa
Bas iyo baasaha kacay
Badanka laabtiyo qalbiga
Inaad iga baanatee
2x

Boholyowgaa aan qabo
Jacayl igu beeraana
Caahsaqu igu baahsanaa
Xusuusina igu badnaa
2x

Bukaaniyo baan wadaa
Bixiya lafaha la isku kabo
Bogiyo wadnaha isku yaal
Bidixiyo bidixiyo midigbaynu nahee
2x

Exit mobile version