alleylahe xamdaay
Ayaan iyo nasiibeey
nolol lagu afllaxo
Ayaan kuugu ogahay
kuu baryaa illaahay
aluubtiyo xishoodkii
asturaada dhaqankii
asalka u lahayniyo
ha iloobin waligaa
alla magane waxaa tahay
marwo aqal barwaaqiyo
wardheer lagu anqariyo
asal lagu barbarshee
oori raas qabaw noqo
noqo ardaa waynle noqo

alleylahe xamdaay
ubax caada iyo
dhul eegane ka baxay
ayaad I tahoo
dhibta kaa ilaashaa
garashada aqoontaa
aynigaa ku dhaaftee
ixtirmaaka diinimo
ha iloobiin waliga
alla magane waxaa tahay
marwo aqal barwaaqiyo
wardheer lagu anqariyo
asal lagu barbarshee
oori raas qabaw noqo
noqo ardaa waynle noqo
alla magane waxaa tahay
marwo aqal barwaaqiyo
wardheer lagu anqariyo
asal lagu barbarshee
oori raas qabaw noqo
noqo ardaa waynle noqo

Exit mobile version