jacayl kaaga isitoo
I deeq dabciigaaga Samir
adaa sawjadaydiyo
calafku igu kaa simee
mahada saatirbaa iska leh
iftiin ii siraadmayee
mugdi iga saarayoo
markaan subax iyo haben
ku saara indhahaa
siyaada caashaquye
miyaan dumar kula simaa

kalgacalkaaga isaaqoo
ka helay sumacadiyo wanage
adaa qalbigayga sudhan
saxoo maankayga haga
mahada saatir baa iska leh
iftiin ii siraadmayee
mugdi iga saarayoo
markaan subax iyo haben
ku saara indhahaa
siyaada caashaquye
miyaan dumar kula simaa

Exit mobile version