markii aan barbaaree
qaangaadhka buuxsaday
gabadhaan is baranee
igu beertay caashaqa
inagoon badheedhaha
jacaylkii ka bogan wali
oo bilic haldhaalay
wali baahideed qaba
sawtaan baqoolaha
beegsaday qurbaha
inagoon baajin wacadkii
axdigiina beenayn
kala baaadiyawnoo
baayoo is waynee
boqol sano ha gaadhee
faadumooy bogaygiyo
beerkaad ku taalaa
waxaan baadi goobaa
oon baytiyabaa
beri khayre le baan helay
barta ay ku nooshahay
ayaankayga telefoon
barqadii aan soo diray
bu,da iyo ujeedadu
baas inaan aburiyo
inaan reer burburiyo
baaqaygu ma ahayn
anagoon baajin wacadkii
axdigiina beenayn
kala baadiyawno
baayo is waynee
boqol sano ha gaadhee
faadumooy bogaygiyo
beerkaad ku taalaa