Xulbaad ii tahay xariirsan
Xilaad ii tahay xushmaysan
Xubiga noloshaan kaa xiisin
Waxaad tahay xuural cayn
Hablaha laga xulo xaqiiqdii
Waxaad tahay xuural cayn
Xabadka lagu qoro kokorkiisa
Wadnaha xididada ku xeeran
Dhiigiyo xinjiraha xunbeeya
Qalbigu ruux kale amaaleey
Xagiisa ka xidhan xaqiiqdii
Xidhiidhkeenuna adkaysan
Xamdaan naqayaa xabiibti
RABAAN xusayaa xayaati
Xidhiidhkeenuna adkaysan
Xaqdhawrkeenuna mid suuban