Dhaawac bey igu yaalo
La dhaqaaqi waayo
Lafta dhabarka celisaa
Laba dhinac i noqotee….2X

Ruux dhimasho joogaa
Inlee laguma dheelo
Danta looma celiyee
Taahii taahii lama dhageystee..2X

Axdigii dhax deeni iyo
Wada dhala shadeenii
Aqalkaan dhisenaa dhagahii
Ka tuurtee…2X

Miyaan aadan kuba dhalin
Xaawo naaska ku dhigin
Dhabta Hooyo kugu qaban…2X

Iga dhowr iga dhowr
Iga dhowr dhibatada
Raga laguma dheele
Raga laguma dheele
Raga laguma dheele
Nin weyne laguma dheele…2X

((( BOGGA LABAAD )))

Sida dhool guyoo da’ay
Dhibic diisu hoortoo
Laga dhan sanayaa
Kuu dhowrayaa wali..2X

Dhabankaga ruux leh
Ifka cago ma soo dhigin
Dhabaalkii warkeygaa
Kuma dhaa kuma dhaafi
Ka rayee….2X

Isku soo dhageeni iyo
Dhunka shadii macaneed
Dhulkoo kula wareegi iyo
Dhimbil ayaane kugu noqon…2X

Miyaan aadan kuba dhalin
Xaawo naaska ku dhigin
Dhabta Hooyo kugu qaban…2X

Iga dhowr iga dhowr uu
Iga dhowr dhibatada
Raga laguma dheele
Raga laguma dheele
Raga laguma dheele
Huunaay laguma dheele…2X )))

lyric by : Dayran Omar

Exit mobile version