Inkastoo wali hibasho rabay
Amaan saqda dhexe hurdada
Ii taanyo la seexan wayay….2X

Horteyda markaad timaado
Ee aad ila hadal tiraahdo…..2X

Hasawaha ii bilaawdo habeenkii
Nabarkaa i deeyso halkii bugtaa
bogsatee…2X

(((BOGGA LABAAD)))

Hanan kaa illaah ku siiyay
Habsami socod kaad dhaqaqdo
Hubqaad kadu ii hiraa….2X

Hamuun waan ku qabaa
Qalbiga waan kugu hayaa….2X

Hideydu waxeey ku raacday
Hideydu waxeey ku raacday
Habeen kheyr lagu duceystee…2X ))

lyrics by Dayran omar

Exit mobile version