haniyeey nasab hoodalebaad tahay
haweenka adaa hubaal u sitoo
halkaad ku kortiyo haybtii guriceel
hanbalyay ku dhaheen hanaan quruxeey

hobyo iyo xaro dheerayoo hodanaa
hidaha dhaqankiyo heelada ku baroo
waxaad huwataa heemaal quruxeey
hagoogta cadaado hiilkii gobonimo

hadaaqa barashadii jidihii galin soo
heegada dayaxiyo hankii farxadaay
waxaa hagar baxay dartaa haniyeey
gal mudug hodanaa kuu heeli tuntee
arooska hirgalay hanbalyay ku dhaheen

haldhaa sharaf huwan hareeri baxay
hufasa roobkiyo heemaal waxaneey
hooyadii ku dhashaad hidaha ka raacdoo
halyeey aabaa hilinkii ku tusee

hankaad dheertahay hablaha kale oo
hirgalay arooskiina la isku helee
hawada matabaan hirwada ku tumoo
hilashada dhuus-mareeb haraadku tiraa

Exit mobile version