hablaha xuurancaynta
hablaha u xishoodka badan
quruxdu ku xijaaban tahay
hidaha dhaqankeena xidhan

waxay u wada tartamoo
xidigaha nuurka sida
xaqbayna amaan u yeeshe

gabdhuhu waa wada xariire
xarmiyo gobanimo xamar u daa
xishmiyo xilkasnimo xamar u daa
xiisaha kalgacal xamar u daa
xabada ugu shidan xamar u daa

hablaha xuurshada
hablaha ugu xaqdhowrka badan
ilmaha xilkaskiyo hanaanka
xilqaad iyo qaayo badan

wadnaha dhabankiyo hankooda
xor weeyan wada iftiima
xagayga amaan ka mudan

gabdhuhu waa wada xariire
xarmiyo gobanimo xamar u daa
xishmiyo xilkasnimo xamar u daa
xiisaha kalgacal xamar u daa
xabada ugu shidan xamar u daa

Exit mobile version