mudaan kala qaxaynoo
gumaad kala baqaynoo
aan iswada dhufaynee

intii aanu dhiman lahayn
dhaawaceenu badan lahayn
dhiigeenu quban lahaa
dhalinyaro ma dheelna

dhafandhaafka dhuuniga
baasas ma isku dhiibna
dhalinyaro ma dheelna

dhibco aan wadaagne
goolal ma isku dhalinaa
bulshayahay ma dheelna
goolal ma isku dhalina
dhalinyaro ma dheelna

dhanka hoos kismaayiyo
dhinaca hargeysiyoo
bari ma u dhawaaqna
gobalada dhextaalka
ma u dhawaaqna
mudug ma u dhawaana

dhexdhexaad garsooriyo
siiriga dhawaaqiis
dhamaad ma ugu yeerna
dhalinyaroo ma dheelna
saaxibayaal ma dheelna

Exit mobile version