VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Maxay dantu - Lyrics

Maxaa dayr cad geel halaaboo Dibjiray uu cunay dugaagoo Ninkii lahaa daydayaa Maxay dantu ciishay wiiloo Dulqaadiyo deeq lahaayoo Dadkuna doqon moodayaan Wakhtigu waa is daba socdaa Adigoo diiganaa abaar Wakhtigu waa is daba socdaa Adigoo diiganaa abaar Marbuu dirir kuu da'ayaayooy Daruuruhu kuu curtaanoo Xareed ku dabaalataa 2x Intay deeqda eebbe maqan tahay Intay intay deeqda eebbe maqan tahay Ha dilin hana iga dagaalin Ha dilin hana iga dagaalin Dubkaa igu yaallee ax Wadnahan damqashada Ka daa Wadnahan damqashada Ka daaa Maxaa laba ruux isdoortoo Dabada isha looga qariyoo Kuwii xigay loogu dawgalayee Maxaa duni lagu lugga'ayoo Innaba lagu dagaynoo Sidaad doonayso noqonayneyn Adigoo dayr adag dhistaybaa Ilaahay kaa dunshaa Adigoo dayr adag dhistaybaa Ilaahay kaa dunshaa Danayso adoo lahaa Marbaad dacar qooshataayood Dhunkaal ku durduurataa 2x Intay doqoniimadaa tahay Intay doqoniimadaa tahay Ha dilin waa loo dulqaataa Ha dilin waa loo dulqaataa Nacasbaa dab caayee Miyaan dakharkaba ogahay Miyaan miyaan dakharkaba ogahay Habeenkaa oo dam yidhiyoo Gudcurku daahiisa rogayoy Dabayluhu foodhyayaan Halkii adi kuu darneeyd Ilaah waa kaa duwaayoo Dibbaad uga joogsataa Adigoo duurujaaga iyo Dareemaaga jiidhi lahaa Marbuu dayax soo baxaayoo Abeesada duuban iyo Dalluunta ka weecataa 2x Intay intay deeqda eebbe maqan tahay Intay deeqda eebbe maqan tahay Ha dilin hana iga dagaalin Ha dilin hana iga dagaalin Dubkaa igu yaallee ax Wadnahan damqashada Ka daa Wadnahan damqashada Ka daaa Ruuxaad doonaysa oo Daraadii u liidatoo Adiga kuu dahababaa Dunjiga ruuxiisa iyo Dubkiisa la dooriyaayooy Dadkuna kugu caayayaan Wixii daawadaa ahaa Aadmigu kuu diidayaa Wixii daawadaa ahaa Aadmigu kuu diidayaa Danyaro waa laga dhaqaaqoo Duunyaa la isku raacayaayoo Dariiqaa la oodayaa 2x Intay doqoniimadaa tahay Intay doqoniimadaa tahay Ha dilin waa loo dulqaataa Ha dilin waa loo dulqaataa Nacasbaa dab caayee Miyaan dakharkaba ogahay Miyaan miyaan dakharkaba ogahay
Queue is empty
-- / --