VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Maxay dantu mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Abdinuur Alaale
Maxay dantu

Maxaa dayr cad geel halaaboo
Dibjiray uu cunay dugaagoo
Ninkii lahaa daydayaa
Maxay dantu ciishay wiiloo
Dulqaadiyo deeq lahaayoo
Dadkuna doqon moodayaan

Wakhtigu waa is daba socdaa
Adigoo diiganaa abaar
Wakhtigu waa is daba socdaa
Adigoo diiganaa abaar

Marbuu dirir kuu da'ayaayooy
Daruuruhu kuu curtaanoo
Xareed ku dabaalataa
2x

Intay deeqda eebbe maqan tahay
Intay intay deeqda eebbe maqan tahay
Ha dilin hana iga dagaalin
Ha dilin hana iga dagaalin
Dubkaa igu yaallee ax
Wadnahan damqashada Ka daa
Wadnahan damqashada Ka daaa

Maxaa laba ruux isdoortoo
Dabada isha looga qariyoo
Kuwii xigay loogu dawgalayee

Maxaa duni lagu lugga'ayoo
Innaba lagu dagaynoo
Sidaad doonayso noqonayneyn

Adigoo dayr adag dhistaybaa
Ilaahay kaa dunshaa
Adigoo dayr adag dhistaybaa
Ilaahay kaa dunshaa

Danayso adoo lahaa
Marbaad dacar qooshataayood
Dhunkaal ku durduurataa
2x
Intay doqoniimadaa tahay
Intay doqoniimadaa tahay
Ha dilin waa loo dulqaataa
Ha dilin waa loo dulqaataa
Nacasbaa dab caayee
Miyaan dakharkaba ogahay
Miyaan miyaan dakharkaba ogahay

Habeenkaa oo dam yidhiyoo
Gudcurku daahiisa rogayoy
Dabayluhu foodhyayaan
Halkii adi kuu darneeyd
Ilaah waa kaa duwaayoo
Dibbaad uga joogsataa

Adigoo duurujaaga iyo
Dareemaaga jiidhi lahaa

Marbuu dayax soo baxaayoo
Abeesada duuban iyo
Dalluunta ka weecataa
2x

Intay intay deeqda eebbe maqan tahay
Intay deeqda eebbe maqan tahay
Ha dilin hana iga dagaalin
Ha dilin hana iga dagaalin
Dubkaa igu yaallee ax
Wadnahan damqashada Ka daa
Wadnahan damqashada Ka daaa

Ruuxaad doonaysa oo
Daraadii u liidatoo
Adiga kuu dahababaa
Dunjiga ruuxiisa iyo
Dubkiisa la dooriyaayooy
Dadkuna kugu caayayaan

Wixii daawadaa ahaa
Aadmigu kuu diidayaa
Wixii daawadaa ahaa
Aadmigu kuu diidayaa

Danyaro waa laga dhaqaaqoo
Duunyaa la isku raacayaayoo
Dariiqaa la oodayaa
2x

Intay doqoniimadaa tahay
Intay doqoniimadaa tahay
Ha dilin waa loo dulqaataa
Ha dilin waa loo dulqaataa
Nacasbaa dab caayee
Miyaan dakharkaba ogahay
Miyaan miyaan dakharkaba ogahay

codkii Abdinuur Alaale, Yurub Geenyo