jacal lama moosi karo
sidii mayayguu da'aa
miiroodbuu kugu dilaa
midiyo daabloo sitaa
halbawlaha kaa marshaa
micida waa loodhintaa
masiibadu way jirtaa
midha geed sare kuyaal
mar bad u mililicdaa
dadkana waad uga mid tahee
waxaan ku mataalayaa
nin maqan oo meel fog jira
asii meher kaaga tegin
miyaa malab loo tufaa
ee macaan loo saydhiyaa
muraadkaa lagu xidhaa
malabooy waa maahmaah xigmado
hadaan rag ku maamulayn
muraad kooda kale waaa
maa weelaa lagu hodaa
mudadu kaga bogsataa
murtina waxaan uga socdaa
haday arimihii murgeen
haday murugaysan tahay
anuu mayalkaan qabee
inaad iga maarantaa
miyay kuu muuqataa

Exit mobile version