Taabalada jacayloo
Talaabada inaan
Teelteel u dhigo
2x

Tolow ma i ogtahay
Tolow ma i ogtahay

Waa taaban mooyee
Waa tabi ismaan odhan
Wey kaa tagaysaa
Taladaba kumaan darin
2x

Walee timo haldhaaleey
Ama taabayo helay
Ama taahay abidkey
2x

Inaan tamar gaboo
Tiifka dhoobtayoon
Ku tukubo ulii
2x

Tolow ma i ogtahay
Tolow ma i ogtahay

Waa kuu tan mooye
Waa tabi ismaan odhan
Inay igala tasowdana
Taladaba kumaan darin
2x

Walee timo haldhaaleey
Ama taabayo helay
Ama taahay abidkey
2x

Exit mobile version