daniyo xeelbaan wadaa
jacayl diir ahbaan wadaa
doogiyo ubaxbaan sidaa
dushaadaan saarayaa

hadaad dano fiicantay
daryeelkayga igu filan
daruurbaan ahay aan curan
markaasaan di'i lahaa

daryeelbaan kula rabaa
difaacbaan kuu ahaan

daraarbaad iga heli lahayd
da'daabaan ku hor marin lahaa

dabaylaha ma iga celin

dabaylaha ma iga celin

dan iyo guurbaan wadaa
dulqaadiyo raaxo badan
deeq iyo darajaan hayaa
dushaadaan saaraaya

hadaad dheeman dahabatay
adaan dadka kuu jecloo
diiniyo dhaqanbaan hayaa
dushaadaan saarayaa

Exit mobile version