VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Heelo las qorey mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Abdinuur Jazz
Heelo las qorey

Maxaan soo horey jacalykoo
maxaan hoobey ku idhiyoo
maxaan darka uga heesey
hankeygu muxuu fogaadey
hawaawir muxuu i qaadey
maxaan hurdo seexan waayey
adoon ii hagar baxaynin
miyaad hawshan igu beertey
anuubaa kugu hadraayee
ileen warba iima hayside
nasiibku haduu hungoobo
nabsigu waa hiiliyaaye
hadaan kula hawl yaraadey
hubsan doontide aan habeynee

Heeladu waa heelo las qorey

Maxan cidla kaaga heesey
haweenka maxaan ku dhaafshey
maxaan kuu calaacaley
daraadaa maxaan kalaabey
hirdo doog leh maxan ku moodey
maxaan kuugu soo hiloobey
adoon ii hagar baxaynin
miyaad hawshan igu beertey
hubsiimo maxaan ilaawey
maxaan hibashada ku raagey
nasiibku haduu hungoobo
nabsigu waa hiiliyaaye
hadaan kula hawl yaraadey
hubsan doontide aan habeynee
Heeladu waa heela las qorey

codkii Abdinuur Jazz