qaaradaha aduunyada qaayo dumar mid kula mida
dhabta laguma qabanoo qayd laguma qaadine
qaxar maysan aragoo qoraxay dusheediyo
qaydarka digeegbay qaali ay ku dhalatee

qowlka ay tidhaahdana qalbigaa ku daga oo
qaylo uma dhawaaqdee qunyarbay u hadashaa

qiimaynta aadmiga qayb allaa u siiyoo
quruumaha dhamaantood way wada qadarisaa
maalintaa qiyaamaha kuwii qaadir dhawrtee
loo qormeeyay kaa yeel

Exit mobile version