Intay ku xanaaniyaan
Xubiga ku waraabiyaan oo
Xagooda u jeedsataa

Markaad markaad
Xafido axdiga
Xoogaaga aad ku dhawrta oo
Waliba ay ku xasishoo

Haday xadhiga maro noqdaan
Xiriirka halaynayaan
Haday xadhiga maro noqdaan
Xiriirka halaynayaan
Ha noqon xamastiisa cune
Ha noqon xilihiisa gube
Xumaanta wanaag umay

Xurmaa dumar lagu qabaa
Xalaalbaa lagu dhaqaa
Haday ay xinifi jirtana
Xalbaa loo raadiyaa

Xigtada xigtada ehelkeeda iyo
Xidiga aad leedahay
Xariir ma la huuwiyaa

Haday xadhig maro noqdaan
Xiriirka halaynayaan
Haday xadhig maro noqdaan
Xiriirka halaynayaan
Ha noqon xamastiisa cune
Ha noqon xilihiisa gube
Xumaanta wanaag umay

Exit mobile version