farxadii naftaydiyo
fayoobidii jidhkaygaa
fahankii aqoontiyo
furihii qalbigaygaa
fartuunay ayaamahan
jaceyl lama filaaniyo
intuu faraha ila helay
feedhaha dhexdoodiyo
oogada ku faafee
fariintayda caashaqa
fiiro gaara uyeelo
naga fogee cadawgoo
waligaa ka foojignow
firaashkii wacnaayoo
janadii fardowsaa
fiidkii mar joogaba
faataxaan kuu maraa
sida ubax dibnaha furay
fooraha magaalada
udgoonkiisu faafaay
fiidkii sareere ahee
tii aan ku faanaay
fariintaydaa caashaqa
fiiro gaara uyeelo
naga fogee cadowgoo
weligaa ka foojignow

Exit mobile version