siday ugu mabsuudaan
ayaad iigu mudan tahay
sida kayn magoosho
inta uu mahiigaan
miyay soo mirkiciyo
maansheeyay dunidii
ubax midab qurxoonina
midab midab ukala baxay
indhihii miliilica
siday ugu mabsuudaan
ayaad iigu mudan tahay
sida geed midhoodoo
waayo badan maqnaayoo
milgihii maqaarkiyo
mayracaa ubadin jiray
mel dheer ka halacsaday
muusan awga ololka
indhihii miliilica
siday ugu mabsuudaan
ayaad iigu mudan tahay
indhihii miliilica
siday iigu mabsuudaan
ayaad iigu mudan tahay

Exit mobile version