jaceylkiyo barashadii
barwaaqada iihor kacay
aan kuu bal balaadhiyee
bidhaantiyo aragtidii
halkaad bilaneey iigu timid
bad iyo webi bay lahayd
naq iyo baad bay lahayd
biyo iyo rays bay lahayd
banaan siman bay lahayd
waan kuu boholyoowoo
naftaa ku baxnaanisee
bushaaro ku soo dhawee
socdaalkiyo baafintii
baryo aan ku gobi
aan kuu balbalaadhiyee
bilicdiyo eegmadii
bartii cishqiga
tilmaan boqran bay lahayd
nasiib baxsan bay lahayd
buruuf adag bay lahayd
bartii caashaqay ahayd
bil baad tahay dhalatayoo
aad iisoo baxdeee
bogaygaa ku dheehantee

Exit mobile version