labadeena jaceylka
guul inaynu ka gaadhno
liibaantiisana maalnoo
axdibaa kula haybiyee
aniguna lumin maayo
yuu kaliicin dhankaaga
inagoo lamaanoo
kulilaahiya caashqa
aynu saarno laxaadka
sida laagad barwaaqoo
gal xareed ka ladaabtay
dhebigiyo galoolka
ubax dayr uu kalaacay
cadcee liib ka dhigaysaa
ka dhex miijisay
ladaneey lagu moodaa
inagoo ah lamaanoo
ku lilaahiya caashaqa
aynu saarno laxaadka

Exit mobile version