duu duubka muruqyada hilbahaa dubaaxda
dubka sare ku soo dada dur durada halbawlaha
dun dhuk kay wadaagaan
dub dubkii ay dhaaftaba waa waxa u duugaan
ciida loogu darayaa dibna loogu celiyaa
waase ul iyo diirkeed

daa imkeenu wacanaa deeq iyo dul badanaa
shaydaanku diranaa dibin daabyo badanaa
dun jigeena necebaa danbi aadmi jecelaa

adoo meelna daadayn doodeena sheekada
cunuhu waa durbaanke carabkaa weedha kala tira
codkiyo dayaan wado dibnu dibaday geeyaan
dhagunaha ka duubaan onkodkaa la daawa ah
damac iyo cabsiba wada waana deeq illaahay

ku danaysta mooyee miyaa hoosba loo dayay
diinteenu siday tidhi dhulku waaba dagi lahaa
ama se waaba dumi lahaa
buurahoon dul saarnayn jidhna dayma iyo qurux
dalab lagu adeegtiyo dawliil ma yeeshaan
lafahoon ku daabnayn

waxaad cadhada damisaa nafis aad dareentaa
markaad diinta baratee dar illaahay ooydee
ilmo kaa dareertee
dhulna wuxuu daryeelmaa dacaskiyo abaaraha
belo lagu dul qaadaa cirku dabacsanaadaa
marka deeq raxmaadliyo danbar same u hooraa

Exit mobile version