darajada dulqaadkiyo siduu eebe kuu dhigaa
daa in kuu abuuraa dumar qiima dheertahay
dareenka caashaqu wuxuu kali ahaadaba
daruuraha dhexdoodiyo dawis waxaan ku soo maray
duni wada dhamaystiran
oo aanad daymada indhaha ka dayn karin
dadkuna mar iyo laba laba laabta isa saareen
jacaylkuna u dheeryahay
doogoo caleentii dhirtu ubaxa qarisoo
lagu diirsadaad tahay
tufaaxdaan jeclaayeey dadku waa mid iyo laba
dookhooda caashaqa intay kali ku doorteen
hawlyaraan ku soo daga
adna maanta gacalooy waadiga aduunyada
daafeheeda sariyo dacalkeeda joogee
waxaan kaaga digayaa oo iga dar daarana
isha doqontu kaa dadan dibnahaaga hadalkiyo
ka ilaali deel qaaf dabaylaha rogmanayaa
dibin daabyo dacaliyo yaanay dariska kugu dirin

Exit mobile version