hooyoy macaan hooyo
hooyo qaali baad tahee
nuur iyo hilaacaay hooyo
naftaydaad hagtaa hooyo
habeen iyo dharaar hooyo
hamigeyga adaa ku yaal hooyo
waxaad hindistaba hooyo
inaad heshaa jeclee hooyo
inta tan aad dhashiyo
hamiyadaad dhistiyo
naaskaad habtiyo
horseedkaaga wacanbaa
lahuri karinee hooyo
hodan baxaad ku tahay
haybad iyo asluubtiyo
iyo himilo wacan anoo
oon la heli karin adigan
had iyo gor kugu hamiyaa
booskaaga wacan
lama buuxin karayee
hooyo hooyo hooyo
kaalintaada wacan hooyo
lama buuxin karayee hooyo
hanfi iyo kulayl hoooyo
alle kuma tusee hooyo
hooygaan ku koray hooyo
sida ruux hibanayaa hooyo
lay horkeenayaaye hooyo
naftu kuu hilowdee hooyo
hoobaanta dunidaay hooyo
inta tan aad dhashiyo
hamiyadaad dhistiyo
naaskaad habtiyo
horseedkaaga wacanbaa
lahuri karinee hooyo
hodan baxaad ku tahay
haybad iyo asluubtiyo
iyo himilo wacan anoo
oon la heli karin adigan
had iyo gor kugu hamiyaa
booskaaga wacan
lama buuxin karayee
hooyo hooyo hooyo

Exit mobile version