doorashiyo xasuusha le
igu celida maalmaha
shacabkii dadaale
ku dalaalimeeyey
codka kuugu deeqqa
dali madhan ku dhaaftee
diintiyo kitaabtiyo
dimuqraadinimadiii
dhaartii ka durugtoo
dastuurkiyo xaqdhowrkii
waad daba marteysoo
daayacday xilkii qaran
somaliland dalkaygii
hamigoodii dumisee
odayahow degdegayaa
maxaa dunida kuu hadhay
danuun daalin noo dhaaf
dadka dibad baxaayaa
waa kuwii ku doortee
dilka kaama mudanee
dacwad bay sidaane
cbashada dadkaa maqal
maxaa daarta kugu xidhay
dalka kii wax tari laa
dadka kii anfici lahaa
doorashadii u diidooo
xaqdarada dalkii taal
dumadaadii weeyee
maruun waad dambarsan donta
somaliland dalkaygii
hamigoodii dumisee
odayahow degdegayaa
maxaa dunida kuu hadhay
dhanuun daalin noo dhaaf

Exit mobile version