xalay xalay dahab la moodii
intaan daawanlaabuu
dayaxii habeenimo
iga galay daruuraha
habeen horana doodii
intaan wado danteeduu
waagu iiga daalacay
duhurkii shalaytana
dunidaan dhib waayine
dibnahaan u furaybuu
soo daatay dhibicii
markuu dumo habeenkuna
haday inani door tahay
dabada isma toogtoo
kama daashoo hawshee
durbadaan salaamaa
qaar aanay diideen
ana ii danaynayn
dirasho ugu yeedheen
jacayl dararayoo shilis
dad is jecel ileeyeen
ayuunbay sidii dabin
dabayluhu dhaqaajeen
ama lama daareen
aadmigu ka duushaa
ha duloobin ubaxyahaw
dalka oo raxmad helay
dawadiisa laydhaad
degmooy iiga dhimantee
nin kastaba ha daalee
anaa dunida kuu jecel
soo baro cilmiga door
duntuna iigu kaa xidhan