sida aad dhalaantahay
oo aan ku dhalay
dadka kaa dhawaystee

dhinacyada wadnaha iyo
dhuuntuu kalgacalkuna
dhanbuu iiiga yaalaa
dhabtuu yaalaa
dhabtuu jacaylku yaal yaal

sida dhiraha midhaha le
oo dhibicii dayreed
subaxnimo kusoo baxay

oo dharabtiyo malabkuba
dhulka dacalka saareen

aan kuu dhaweeyoo
marna aan ku dheehdee
adiguna ha dheeraan

ILAAH haybadiyo qurux
intuu kuu dhameeyaa
asaagaa ka dheertee

waxa kala dhaqmaatiga
ifka dheeman iyo luul
dhab u dhaafsan maayee
dhabtuu jacaylkuu yaalaa
dhabtuu yaal yaal

dhexda taako iyo socod
ama dhabarka geenyada
sida damal dhulka is wadhay

timahaagan kala dhacay
waa waxa i dhaawacay

Exit mobile version