xaasha aynigeedi
afar iyo shan jeer dhalay
ilka jabisay waa hore
qaalmaha habeekiyo
xulka gool ka muuqde

inay inanka wada deeqda iyo
in abaarta lagu waaro
waynu eegi doona

anaa inantan caashaqay
ee oofahaygii
jacaylkeedi olol dhigay
inay iga abraartiyo
inan la aroos galo
waynu eegi doona

roobka soo onkadayee
dufaniyo dabaysha leh
ee da'ay aroornimo
umadii ku sara kacay
aduunyada la furayaa
inay omaanatiyo
inay wada irmaanato
waynu eegi doona

Exit mobile version