sida sabi dhalaanaan
sabaalo iyo hees
nafta kugu sasabayaa

sahwi igu abuurtoo
kaa seexan waayoo
hurdadaan ka salalaa

sabanadan hablaha kacay
inaan kaaga saahiday
waad igula socotee
sal fudaydka iga dhawr

lama samir daraadee
ha saluugin noloshoo
wacadkii ha sii dayn

surmi adag adoo qaba
sidan baahi kuu nacay
gacanta igu saydhee

salbu aniga igu yahay
suuban caashaqaaguye
sahal yaanu kula noqon

sidaad iila dhaqan tahay
wadnahaygu socodkii
uu sagaashan gaadhee
sidaan kuu falaashee

Exit mobile version