timahaagu waa sagal
sayntoodu waa dahab
aad ka saydho sararaha
ma wax laga samraabaa
indhahaagu waa sabar
dabnahaagu waa sulub
socodkiyo sargooyadu
ma wax laga samraabaa

sahraay adiga mooyee
dumar kale ka soomani
gabadh kale ka soomani

suniyaal is gaadhiyo
sanqaroorka soo rogan
dhexda soohanee wacan
ma wax laga samraaba
sariirtaan ku seexdiyo
waxaan kugu xasuustaa
saadadii haweenkaay
saacadaynu kulanee

Exit mobile version