ruuneey taan u riiqmayeey
ruuneey midii aan rabaay
ruuneey raxmadii naftaay
ruuneey raasamaalkiiyeey

ruuneey labadeena ruux
inay raas wada dagaan
ruuneey waa sidaan rabee
RABOW reerkeena daa

roobloow roob soo da'ow
roobloow dhulka rays lahaw
rooblow ramaskoo baxaw
roobloow reexaan udgoon

roobloow kaan raadiyee
roobloow naftu raacdayow
rooblow raga ugu wacnow
rooblow ruuxaan rabaw

ruuneey riyadaydii aan
ruuneey mudo raadiyaay
ruuneey raaxiyo udgoon
ruuneey raaliyadaan jeclaa

roobloow rubadiyo wadnaha
roobloow kaan ka raaridoow
rooblow ramashada jacayl
roobloow ku dul reemayoow

Exit mobile version