xoogiyo laf dhabartiyo
xididadii midnimada
xilka qaranimee mudan
tii loo xanbaarshee
xaqdarada gumaysigaa
taan xeer la dhiganeey

xikmadii abwaan hore
xaraf wayn ku sheegaay
xuduntii dalkaygaay
xaruntii dadkaygaay
xidig nuurayaad tahee

xamareey xamareey
xamareey ILAAHAY
xumo iyo dhibaatiyo
xujo daranba kaa hay

xeebta liido quruxiyo
xamar biliyo bakaaraha
xerta sheekha wayniyo
warta nabada loo xidhay

xaafadii madiiniyo
xalane iyo reer hodan

xaawa taako saydhkiyo
xariiryaale huruwaa
xiiso badane ceelkaa
markaan soo xasuustaba
xaadaa i jaraysee

Exit mobile version