dalkeeni wacnaayee
dagalada qurxooonaa
doogiyo cagaarkii
dhirta ay daboooleen
bilicdooda dahabka
xooluhu ku dararaan
dagaan wacan ooga bari
dunidaad ka mudan taho
magacaagu dahab yahay
oo loo dalxiis tago
dacdarada agtaadaa
danaystaa ku doodaan
diif kugu idlaadiyo
darxumaa ku haysee
is dilkaagu badanaa

dalkeenii wacnaayee
dirirtiyo colaadaha
didi jiray xumaatada
daris wanaag lahaayoo
kala dambaynta lagu yiqiin
doc kastabay ahaataba
maxaa doorshay helay
loo dilay nin doorkii
dumarkiyo caruuraha
dambi looga galabsaday
goormaa la kala diday
laga leexday diintiyo
rasuulkii lasoo diray
dariiqiisi laga dhumay
dawgiinu waa maxay

Exit mobile version