Hogaankaa jabuuti
Inkastoow hiifeen
Balse hadalka qaar baa
Hubsiin kaaga baahnaa

Halyeey uu dad doortoo
Qaran wayn hogaanshoo
Hal door oo la jecelyahay
Hebel eege leedahee

Malaha hormarkaa xamar
Hergo so bidhaamiyo
Nabadaa kala holac tiray
Kama helin hubaaloo
Waad habaaratameesaa

Ma waxeey haboodee
Hal abuurka ereyda
??
Jawaab looba helin karin

Maxay hobolo caana ahi
Inteey heeso curiyeen
Murti aan hanwayneen
Hantaaq Ereyo moooyee

Malaha hormarkaa xamar
Hergo so bidhaamiyo
Nabadaa kala holac tiray
Kama helin hubaaloo
Waad habaaratameesaa

Exit mobile version