Daa’inbaa dhameeyoo
Deeqoo waa xariir,
Dabcigiyo wanaagiyo
Daacadiyo wax qabadkiyo
Diintiyo asluubtiyo,
Edabtiyo dadnimadiyo
Deganaanta socodkiyo
Garashada dareenkay
Da’deedaba ku dhaaftee.

Dooqaygaad hanatoo
Dareenkaaga caashaqa
Qalbigaa ku doonoo
Aan ku daynkaraynee

Dalkeenoo barwaaqaa
Dadku nabad ku wadda degay,
Dayartuna cayaaraha
Damaashaadka faraxa leh
Suugaan ku daah furiin,
Ka dhexmuuqda dumarkoo
Daymadaada quruxda leh
Markii aan ku daawado
Naftaad damaca sii galin.

Exit mobile version