Hurda kamaa dhargoo
Dhibaatada jaceylbaa
Dhinacaan u seexdabaa
Hamigayga dhoofinoo
Dhaqsi waxay uu gaarsiin
Dhayaha u roontii,
Markaan dheehdo araggeed
Dhaqdhaqaaqi maayoo
Naftay dhaygag galisaa,
Danabbay dhufanayoo
Waan ku dhagagaa dhugashadeedee.

Waxaan dhowrayaa
Toban saniyo dheeraad
Arrin inaan dhamaynoo
Farxad aan ku dheelno
Illaahay dhalaamo
Dhexdeenaa ka beeree

Markay tallo dhanaan tahay
Inuu dhiigu daatiyo
Dhiiliyo colaad tahay
Dhamaantood waxgaradkuna
Ay ku kala dhaqaaqaan
Dhabannadda la haystoo,
Raxmaanow dhankaakaa
Sare loo dhugtaayoo
Wax dheef looba doontaa,
Hawlahaan dhikood qabo
Adaa ii dhamayn karaa.

Exit mobile version