waxa dumar uunka jira
midii aan ka doortaay
naftayda ku aaminaay

markay arimuhu murgaan
midaan aragtideeda qudha
dhibkaba ku ilaawayaay

indhaha adigaa u roon
qalbiga adigaa ku yaal
agtayda adaa ku wayn

kuwii isku waarayee
awlaad wacan kala helee
ifka nolol fiican hela
aakhiro janadii kuwo daga
ILAAHAY ha inaga dhigee
aamiinta badi

asluubtiyo edabta wacan
aqoon badan hooyadaa
ayaad ka hidaysatayoo

ishaa kuu marag kacdoo
inaad tahay ehlu khayr
dushaadaa laga arkaa

Exit mobile version