Adigaa i dhalan rogay
Dhammaantay naftaydana
Haddaan dhufan karaayoo
Waan kuu dhiibi lahaayee

Jacayl soow ma dhuuntoo
Waa sida dharaartee
Wuu igu dhacayoo
Dhegi jalaqba malahee

Ha igu dhaafin hawlaha
Adigey igu dheliyee

Dhayal baan u qaatee
Wuu igaga dhabeeyoo
Dhabbaduu kufoofuu
Wuu iisoo dheelmadaayoo

Jacayl soow madhuuntoo
Waa sida dharaartii
Wuu igu dhacayoo
Dhegi jalaqba malahee

Ha igu dhaafin hawlaha
Adigey igu dheliyee…..

Exit mobile version