Dhaa kuu dhaga nuglaadoo
Sidii curad aan ku dhowroo
Dhibaatada kaa ilaashoo
Jacaylkaagaa igu dheliyoo
Adaa igu dhiiri geliyee

Inaan dadka kaa dhawaysto
Sidii ubax aan ku dheehdo
Dhibdoo kalgacaylka dhaado
Dhiiggaad ku tallaalantaayoo
Adaa igu dhiiri geliyo

Dhuuxiyo xididada wadnaha
Halbawlaha dhiigga wadaaa
Adaan kuu dhiibayaayee
Dhammaan kuu hibaynayaa
Ee walaal kuu hibaynayaa…

Exit mobile version