Inaan maanka iyo qalbiguu
Marnaba kaa maarminoo
Welibaa midigtaydii tahaye

Madoow kaagama jiroo
Milgiyo sharafbaan rabaa
Haween middii ugu mudneeyd

Macaan waa adi middaan
Arooos la maaganiyo mashxarad loo tumee
Mahaddaa rabbi baa iskaleh

Ineey markastaba indhuhu
Ku farxaan muuqaagoo
Dhaguhu maqalkaa rabaan

Ammaantaad mudantahoo
Meel adi kuu gaaraba
Wadnaha kaga mudantahe

Macaan waa adi middaan
Arooos la maaganiyo mashxarad loo tumee
Mahaddaa rabbi baa iskaleh…..

Exit mobile version