Indhahaa ku doogsada
Deeqaay arigtaadoo
Naxariis u daawda
Dabacsani xagaagee

Waa durduuro gacalooy
Dambarkiisa caashaqa
Waa durduuro gacalooy
Dambarkiisa caashaqa
Adigaa i deeqee adigaa i deeqee
Adigaa i deeqee adigaa i deeqee

Dabcigiyo wanaagaada
Adna dumar kaa dheertoon
Dabcigiyo wanaagaada
Adna dumar kaa dheertoon
Hablaha kaaga doortee
Hablaha kaaga doortee

Inta aan docdaydiyo
Dagaal igula nooshahay
Dumin maayo wacadkee
Duradaynu dhiganee

Ka dulboodi maayee
Adiguna ha sii deyn
Ka dulboodi maayee
Adiguna ha sii deyn
Adigaa i deeqee adigaa i deeqee
Adigaa i deeqee adigaa i deeqee

Dabcigiyo wanaagaada
Adna dumar kaa dheertoon
Dabcigiyo wanaagaada
Adna dumar kaa dheertoon
Hablaha kaaga doortee
Hablaha kaaga doortee

Exit mobile version