dhirt waxay cusbaataa
marka ciidu qoydee
xididadu cabaanbay
bixisaa caleentee

aniguna caqiibiyo
cawo iyo ayaankay
waxaan ciidi laa sharaf
ku cawayn laha nabad
inagoo is cuganee

cama iyo watiinbaan
akhriyaa cawayskii
cabasiyo walaylbaan
ku codsaday ILAAHAY
inaan kula caweyoo
calafkayga noqotee

wuxuu ciyawgu qaylada
casarkiyo fiidkii
ku cabaadayaa waaa
caku kali ahaantee

ana waxaan culaysiyo
caloolyow la taamaa
cidlo aan dareemaa
cashadaan ku waayee
gormaan is cuganaa

Exit mobile version