Qofkii daad xoog eh iyo
Xaaboole intuu la tago
Xabartay habeen madow
Ileen xunbo ciirsi moodyoo

Anigana xubnaha iyo
Xididada wadnaha gala
Dhamaan kuwa xidhmee
Iigu xay jacaylkaa

Nafsi lama xambaartee
Xusuuso odhaahdiyo
Afku wuxuu la xoogyahay
Afku wuxuu la xoogyahay
Magli xawda kala jara
Magli xawda kala jara

Tolow xiisaha jacayl
Xanaano hadii uu waayo
Qof ku xulay feedhihiisa
xiskiisuunbaa xumaadoo

Xiliguu dareenkiyo
Maankay xasuustaba
Xaragadii haweenkaay
Xaaduunbaa i dhaqaaqdee

Nafsi lama xambaartee
Xusuuso odhaahdiyo
Afku wuxuu la xoogyahay
Afku wuxuu la xoogyahay
Magli xawda kala jara
Magli xawda kala jara

Exit mobile version