Hablaha soomaali land
Halbowlaha dhiigga wada
Haddaan laga waraabinayn

Waaleey yaa ku wacan
Wadaanta udhiibannoo

Wadani waa lagu hubaa
Inuu isu wadi karee
Wiiliyo gabar ukaca

Waxaa wada waaya arag
Qalbiguusu waasacyahay
Qabyaalad ka waasacanoo
Ilaahaybaa wanaajiyee

Waddada khayrkaleh
Ilaahbaa waafajee
Waddani inoo dhashee
Walaaluhu waa inaga

Waddani waa la siku hubaa
Inuu isku wadi karee
Xilkaan ku wareejinee
Wiiliyo gabarba ukaca

Exit mobile version